Allbanaadir.com
NEWS

Saynisyahano helay daawo cusub oo kahor tageysa Cudurka safmarka ah ee Caronavirus 

Caalaamka waxaa ka socda dadaalo badan oo lagu doonayo in la helo daawooyin wax u taraya cudurka Caronavirus iyo sidoo kale talaal iyo daawooyin kale oo kahortagaya in cudurkaasi sii faafo.

Saynisyahano ku takhasustay cilmiga bayoolajiga oo katirsan shirkada Sorrento ee kutaala California dalka Mareykanka ayaa ku guuleestay in ay helaan daawo kahor tageysa cudurka Caronavirus.

Shirkada ayaa sheegtay in daawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody, ay wax katareyso kahor taga cudurka Caronavirus, waxaana daawadan ay ka joojisay coronavirus inuu galo 100%100 unugyada bini’aadamka caafimaadka qaba ka dib tijaabooyin la sameeyay.

Maamulka Shirkada Sorrento ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkadooda ay awoodo inay soo saarto bil kasta illaa 200,000 oo daawadan cusub isla markaana kaliya doonayaan in ay helaan ogolaansho deg deg ah.

Shirkada soo saartay daawadan la sheegay in ay kahor tageyso cudurka Caronavirus ayaa ka dalbatay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) in ay siiso ogolaansho ay kusoo saarto daawadan cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane Marqaati ahaa oo lagu hortoogtay Maxkamadda Randburg iyo Shaki ka dhashay

Cabdi Cade

Gantaaladii Iran oo ku dhacay xeryo milatariga Israel lahaayeen iyo Khasaaraha ay geesteen

Cabdi Cade

Shaacinta natiijada Cilmi baarisyada xanuunka HIV AIDs ee Soomaaliya oo la Daah-furay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---