Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo loogu deeqayo lacag gaareysa 48 milyan oo Euro iyo waxa lagu qabanayo oo…

Midowga Yurub ayaa lacag ka badan 100 Milyan oo Euro ugu deeqay wadamo kuyaala Geeska Afrika oo dhibaato xoogan xiligan kala kulmaya cudurka safmarka ah ee Caronavirus iyo fatahaada ka dhashay roobabka.

Lacagtan ayuu Midowga Yurub ugu tala galay in looga hortago faafitaanka cudurka caronavirus, waxa uuna ururka sheegay in sanduuqooda laga soo saarayo lacag gaareysa €105.5 million oo Euro si loogu qeybiyo wadamada geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa lacagtan waxaa kasoo gaareysa 48 million oo Euro , waxaana lacagtan Soomaaliya iyo wadamada kale ee loogu deeqay loo marsiin doonaa Hay’ado kala duwan si ay wax uga qabtaan faafitaanka caronavirus iyo arimo kale.

Wadamada geeska Afrika ayaa dhibaato xoogan waxa uu kasoo gaaray cudurka safmarka ah ee Caronavirus, dhibaatada xoogeeda ayaana ka dhalatay cudurkan oo xanibay dhaq dahqaaqyadii ganacsi iyo waliba isku socodka dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Haaway

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xaalku ku xun yahay iyo cabsi badan oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Dil Muqdisho loogu geestay Darawalkii Gudoomiye Maxamed Ismaaciil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---