Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay Maxkamada G/Banaadir iyo tan Racfaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA LABADA GUDOOMIYE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Beesha Caalamka oo War kasoo saareysa xaalada siyaasadeed ee dalka xili cabsi jirta

Cabdi Cade

Sargaal sare oo katirsanaa booliiska Somaliland oo loo xiray hadal uu Masjid ka dhax sheegay

Cabdi Cade

DF oo digniin ka soo saartay Musiibo ku soo fool qeybo ka mid ah dalka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---