Allbanaadir.com
NEWS

Farxiyo Falfaloos oo dib u heshay kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Galmudug

Waxaa maanta loo dhaariyay in ay kamid noqoto Baarlamaanka labaad ee Dowlad goboleedka Galmudug Farxiyo Xasan Cali Falfaloos oo horey uga mid aheyd Baarlamaankii koobaad ee Galmudug .

Kursiga Xildhibaanimo ee maanta loo dhaariyay Farxiyo Falfaloos waxaa horey ugu fadhiyay Cabdi Maxamed Fiidow (Baliile) oo kamid ahaa Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna kasoo galay Baarlamaanka Galmudug.

Is casilaada kursigan ee Xildhibaan Cabdi Baliile ayaa timid kadib markii dhawaan uu kamid noqday Golaha Wasiirada Maamulka Galmudugta Cusub ee Soomaaliya, waxaana mudamahan beesha uu kasoo jeedo isla garatay in kursiga xildhibaanimo ku wareejiyo Farxiyo Falfaloos.

Farxiyo Falfaloos oo ah gabar aad u fir fircoon waxaa lagu xusuustaa mudadii ay Xildhibaanada ahayd wax qababadkii ay la timid iyo Dadaaladii ay u gashay sidii meel la isugu keeni lahaa Dhalinyarada Beesha ay matasho ee Ku dayacnaa Galmudug.

Dad badan ayaana aaminsan in Falfaloos oo Baarlamanaka Galmudug ku matasha beesha Murusade ay ka karti iyo dadala badan tahay xildhibaanada kale ee beeshaasi ugu jira Baarlamaanka oo dhamaantood rag ah una badan kuwa dantooda kaliya u jooga halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyntii Mareykanka ee Kuunyo Baroow oo la sheegay in lagu dilay Ganacsade Caan ah iyo Geel ….

Cabdi Cade

Rag Dil kasoo goostay magaalada Garawe oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo shaaciyay in ay is beddeshay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade