Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay labo Diyaaradood oo helicopter ah (Sawirro)

Wasaarada Beeraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde lagula wareejiyay labo diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter .

Diyaaradahan ayaa loogu tala galay in ayaxa ku habsaday qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ka buufiyaan, waxaana diyaaradahan loo dirayaa deegaanada qaar kamid ah maamulada dalka si ay ayaxa uga buufiyaan.

Wasiirka Beeraha Xukuumada Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabada diyaaradahan kula wareegeysay dowlada ayaa sheegay in loogu tala galay diyaaradahan in ayaxa ka buufiyaan gobolo uu ku habsaday.

Waxa uu sheegay Wasiirka laga soo bilaabo bisha july ee sanadkii hore dalka dhibaato badan ku hayay ayax , waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya kamid tahay wadamada ugu daran ee ayaxu aafeeyay.

Wasiir Ciid ayaa sheegay in diyaaradahan buufinta ayaxa ka bilaabi doonaan gobolada ugu daran ee ayaxu dhibaatada ku hayo kuna habsaday sida Galmudug, Puntland iyo gobolada maamulka Somaliland.

Ayax badan oo Soomaaliya soo galay sanadkii hore ayaa dhibaato badan ka geestay qaar kamid ah goolada Soomaaliya, ayaxa ayaana baabi’iyay dhul beereed badan iyadoona lagu guul dareestay in laga buufiyo dhulka uu ku degay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Iska hor imaad goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Muuse Suudi oo mar kale weerar yaab leh ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo warbixinno muhiim ah loo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---