Dowlado badan oo caalamka kuyaala ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan waxa uu yahay cudurka Caronavirus si loo helo daawada cudurkaasi iyo sidoo kale talaal ka hortagaya.
Dowlada Mareykanka ayaa marar badan ku eedeesay dowlada Shiinaha in iyadu ka dambeesay faafitada cudurkan dalkeeda kasoo bilowday, waxaana Mareykanka mar kale Shiinaha ku eedeeyay in uu hadana doonayo in uu xado cilmi baarista Caronavirus.
Hay’adaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyey inuu taageerayo koox burcad ah oo isku dayayso inay xaddo cilmi baarista Mareykanka ee la xiriirta daweynta iyo ka hortagga Coronavirus.
War kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in FBI-da ay baareyso isku day ay sameeyeen koox burcadda internetka ah oo lala xiriiriyay Shiinaha kuwaas oo isku dayayo inay xadaan xogta cimli baarista ee raadinta tallaalka, daawada iyo baaritaanada cudurka.
Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqday xeel dheerayaasha caafimaad iyo shirkadaha ku mashquulsan baarista Cudurka Caronavirus iyo helida daawadiisa in ay ka feejignaadaan kooxaha burcadka ee doonaya in xogta xadaan.
Shiinaha ayaa marar badan beeniyay eedeymaha uga imaanaya dhinaa Mareykanka, waxaana cudurka caronavirus xiisad weyn ka dhax abuuray dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka oo horey dagaal ganacsi uga dhaxeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com