Waxaa xalay xili inta badan dadku hurdeen dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan xaafada Soonakey ee degmada Hodan ku dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlaa Soomaaliya gaar ahaan ciidamo milatari iyo booliis ah.
Dagaalka oo socday daqiiqado badan ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana daryanka rasaasta ay is weedaarsanayeen ciidamada dowlada si weyn looga maqlayay qeybo badan oo Muqdisho kamid ah.
Wali si rasmi ah looma oga sababta keentay dagaalkan dhax maray ciidamada kawada tirsan dowlada, waxaana wararka qaar sheegayaan in dagaalka ka dhashay jaad halka warar kalana sheegayaan in kala shaki ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay afar askari oo katirsanaa ciidamada dagaalamay ayaa geeriyooday, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo iyana soo gaaray ciidamada milatariga iyo booliiska ee xalay ku dagaalamay Muqdisho.
Dagaalka dadka ku dhintay waxaa ku jira Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qaybta 21aad, sargaalkan geeriyooday ayaana aad looga garanayay aaga lagu dagaalamay.
Lama oga wali in dagaalkan oo ahaa mid xoogan in uu khasaaro kasoo gaaray iyo in kale dadka shacabka ah ee ka agdhawaa halka lagu dagaalamay, mana jiro ilaa hada cid faah faahisay khasaaraha dagaalkan ka dhashay.
Dagaalka ku dhax mara magaalada Muqdisho ciidamada kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa marar badan soo noq noqday, mana jiro ilaa hada qorshe cad oo dowlada uga hortageyso ciidamadeeda shacabka ku dhax dagaalama.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com