Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidanka PSF oo Boosaaso ku qabtay walxaha qarxa & Koox diyaarinaysey (Sawirro)

Ciidamada Maamulka Puntland ee sida gaarka ah u tababaran PSF ayaa sheegay in howlgal galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ay ku soo qabteen waxyaabaha qarxa oo iskugu jira miinooyin iyo suumanka lagu fuliyo weerarada isqarxinta ah.

HOOS KA DAALACO WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY CIIDANKA PSF IYO SAWIRADA QARAXYADA LA SOO QABTAY:-

Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada #PSF galabta (May 13, 2020) ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaso.

Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee naftood hurayaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada PSF waxaa kale oo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo ah argagixisadii qaraxyadaas maleegayey.

Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish,shacabka reer Puntland na waxaan ka codsanaynaa in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka,haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah ama aad ka shakidid nagala soo xiriir telefoonadan 477/388.

-DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Somaliland oo Eedeyn layaab leh u jeedisay DFS

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Askar Itoobiyaan ay Dileen iyo hub ay ka furteen (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wareegto ku Magacabay Xoghaye Guud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---