Allbanaadir.com
NEWS

Shuruud lagu xiray Soomaali ku xayiran Nairobi oo doonaya in ay dalka kusoo laabtaan

Dad badan oo Soomaali ah oo doonayay in dalka ku laabtaan ayaa ku xayiran magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kadib markii cudurka Caronavirus owgiis loo joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday dadka tikidha u goostay in Soomaaliya ku laabtaan marka hore laga doonayo in ay iska baaraan cudurka safmarka ah ee Caronavirus.

Qoraal kasoo baxay safaarada ayaana lagu sheegay in loo ogolaan doono in Soomaaliya ku laabtaan dadka heesta baasaboorka Soomaaliga iyo kuwa degenaanshaha Kenya heesta ee laga baaro cudurka Carona lagana waayo.

“Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa, Sidoo kale dadku waa inay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Nairobi ee doonaya in dalka ku laabtaan ay is diiwaan galiyaan ,iyadoona loo soo bandhigay foom la buuxinayo laguna xiray shuruudo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay sida loo fuliyo Weerarada lala beegsado Al Shabaab

Cabdi Cade

Tahriibayaal muddo dul sabeynayey badweynta oo la helay Meydadkooda

Caydiid Ali

Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---