Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Baaq muhiim ah u diray Dowlada federaalka Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ka qeyb galay munaasabad afur ah uu u sameeyay xubnaha isbadal doonka Jubbaland ayaa ka hadlay arimo dhoor ah ay kamid yihiin wadahadalka dowlada federaalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu kasoo baxo Madaxtooyada uuna xalliyo dhammaan cabashooyinka ay qabaan shacabka iyo xubnaha mucaaradka ku ah maamulka uu hogaamiyo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in ay dhageesato sidoo kale tixgaliso talooyinka wanaagsan ee lagu hormarinayo Jubbaland, waxa uuna uga digay dowlada in dib dadka ugu celiso caqabadihii laga soo gudbay.

“Dowlada Dhaxe Haddii ay ku marmarsiyooneysay khilaaf ayaa jira iyo looma dhamo siyaasadda Jubbaland, ha qiimeyso heshiisyada laga gaaray kala aragti duwaanta, sida heshiiskii ugu dambeeyay ee dhexmaray Maamulka iyo xubnihii Isbadal doonka ahaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowlada  federaalka in ay taageeraan shacabka ay hogaanka u yihiin ee heshiiska qaatay ayna taageeraan hanaanka dawladeed ee ka jira Jubbaland.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda dib u doorashadii Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana dowlada marar badan ku celisay in doorashadii ka dhacday Kismaayo ay aheyd sharci daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta Yemen oo Badda cas ku weeraray Maraakiib kale oo laga leeyahay Israel

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay in dalka la keenayo Talaalka Covid-19 kadib markii uu cudurkaasi sii faafay

Cabdi Cade

Maxaaa Sababay in Madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar dagaal dhinaca afka ah isku adeegsan !!

admin