Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay in ay billowday tartanka bixinta liisanka balookyada saliidda

Wasaaradda Batroolka Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in uu bilowday tartanka bixinta liisanka balookyada saliidda laga baarayo, si loo helo shirkado waa weyn oo maalgashi ku sameeya baaritaanada shidaalka Soomaaliya  .

Wasiir ku-xigeenka batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in la bilaabay tartanka bixinta liisanka balookyada saliida laga baarayo, waxa uuna tilmaamay in ujeedka yahay in maalgashayaasha ka faa’iideestaan tartankan.

Mr Hilaal ayaa tilmaamay in tartanka loo soo bandhigay maalgashadayaasha  uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaal maamulada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Wasaarada Batroolka ayaa  sheegtay in talaabadani ay tahay uun shaacin ee marka la helo cid danaynaysa inay maal gashato oo shidaalkaa soo saarto la bilaabi doono wadaxaajoodka maalgashigaas.

Wasaarada batroolka iyo macdanta Soomaaliya, ayaa xiligan u aragtay in ay tahay waqti ku haboon in la soo bandhigo qorshaha maalgashiga Shidaalka Soomaaliya si looga faa’iideesto.

Qaar kamid ah maamulada dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland iyo Puntlanad ayaa horey u diiday sharciga shidaalka ay horey u ansixiyeen Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya sidoo kale saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

12 Maraykan ah iyo 60 reer Afghanistan ah oo lagu laayey qaraxyadii Kabul (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la gaaray Xiligii Farmaajo ka dagi lahaa Hargeysa

Cabdi Cade

Madaxweynaha Ukraine oo iska diiday Dalab xasaai ah oo uga yimid Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---