Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Waare & Wakiilada beesha caalamka oo ka wada hadlay afar qodob (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka.ayaa lagu yiri qaraalka qaramada midoobay.

Qodobada looga hadlay Kulanka hab muqaalka ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay arrimaha cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’  amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

War murtiyeed: Shir Wasiiro ka tirsan dowlada dhexe & dowlad goboleedyada ugu dhamaaday Garowe

Caydiid Ali

Muxuu Deni kala hadlay saraakiisha taliska ciidamada PMPF? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Rooble oo maanta kulan toos ah yeelanaya iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---