Allbanaadir.com
NEWS

Shirkada Somtel oo ka farxisay caruur Agoon iyo danyar isugu jirtay (Daawo Sawirada)

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Deeq Dhar Ciid ah Gaarsiisay Caruurta Danyarta & Agoomaha Ku jira Xarunta Dr Kadare Ee Dhaqan Celinta & Daryeelka Caruurta ee kutaala magaalada Muqdisho.

Somtel ayaa deeqdan dharka ah ugu tala gashay in ay uga farxiso caruurta agoonta iyo kuwa danta yar ee ku xareesan xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka Caruurta ee Kadare, waxaana dharkan caruurta loogu tala galay in ay ku ciidaan.

Madaxa Suuqgeynta Somtel Mudane Axmed Ciise Xaaji ayaa sheegay in shirkada Somtel isku hooshay in ay ciidsiiso caruurta agoonta iyo danta yar ee ku jirta Xarunta Dr Kadare, waxa uuna sheegay in dhar u qeybiyeen in ka badan 300-oo caruur ah.

Axmed Ciise madaxa Suuqgeynta Somtel ayaa tilmaamay in shirkada Somtel u taagan tahay mar kastana diyaar u tahay in ay gacan siiso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa agoonta iyo danta yar .

Xaliimo Cabdulle oo ah Maamulka Xarunta Daryeelka caruurta Danyarta & Agoonta Dayacan Dr Kadare ayaa uga mahad celisay shirkada Somtel deeqdan dharka ciida ah ee ugu tala galeen caruurta xarunta ku xareesan .

Shirkada Isgaarsiinta Somtel oo kamid ah shirkadaha ugu waa weyn ee dalka ayaa gacan ka geesata caawinaada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna shirkada marar badan sidan oo kale uga farxisay caruur isugu jirta agoon iyo kuwa danyar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Amray in lasoo xiro Xag-jirka weyn Rasmus Paludan iyo 8-qof oo kale

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamsa Barre oo kulamo kalsooni raadin ah kawada Muqdisho

Cabdi Cade

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---