Allbanaadir.com
NEWS

Amaro cusub oo lagu soo rogay shaqaalaha aqalka cad ee dalka Mareykanka

Labo kamid ah saraakiisha aqalka sare ee dalka Mareykanka ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Caronavirus, waxaana gudaha aqalka ka bilowday cabsi laga qabo in uu cudurkan ku dhax faafo.

Shaqaalaha aqalka sare ayaa hada lagu amray in ay soo xirtaan marada afka iyo sanka lagu xirto iyo gacmo gashi marka ay soo galayaan gudaha aqalka sare gaar ahaan halka loo yaqaan West Wing.

Sargaalka u sareeya shaqaalaha Aqalka Cad ayaa sheegay in ay qasab tahay in shaqaalaha ay afka duubtaan xilli waliba marka laga reebo marka ay fadhiyaan kuraasta ay ku shaqeynayaan.

Amarka lagu soo rogay shaqaalaha aqalka sare ayaa yimid kadib markii sargaal aad ugu dhaw Madaxweynaha Mareykanka laga helay cudurka Caronavirus iyo sidoo kale mid kamid ah kaaliyaasha Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa ah dalka ugu badan uu dadkiisu ku dhacay cudurka Caronavirus , waxa uu sidoo kale dalkan hogaaminayaa dadka ugu badan ee la diiwaan galiyay in ay u dhinteen Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo Shaacisay in saakay weerar kusoo qaadeen Puntland iyo Kooxo Nabad diid ah

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey Ukraine “Ruushka oo isku diyaarinaya weeraro cusub” (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleemo saarka RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---