Dabley hubeesan ayaa caawa magaalada Muqdisho waxa ay ka afduubteen Haweeney ajnabi ah oo u shaqeeneysay Hay’ada ICRC, waxaana socda howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo dableyda afduubka geesatay.
Sida aan Wararka ku heleyno dableyda hubeesan ayaa guri ay shaqaalaha Hay’ada ICRC ka degnaayeen agagaarka Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho waxa ay ka afduubteen gabadhan ajnabiga ah oon wali la cadeyn wadanka ay kasoo jeedo.
Ciidamada amaanka gaar ahaan Nabad sugida iyo booliiska ayaa xiray inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano adag ay ku raadinayaan haweeneyda la afduubtay.
Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan afduubka caawa magaalada Muqdisho loogu geestay haweeneydan ajnabiga ah ee u shaqeeneysay Hay’ada ICRC.
Magaalada Muqdisho waxaa xiligan ku sugan ajaaniib wadamo kala duwan kasoo jeeda kuwaa oo shaqooyin kala duwan ka haya magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in afduubkan ajanaiibta Muqdisho joogta saameyn ku yeesho.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com