Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iimaan Caddow Kaarshe oo isagoo katiinad ku xiran laga soo dejiyey Muqdisho

Dayuurad siday Guddoomiyihii degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Caddow Kaarshe oo xiran ayaa galabta ka soo degtay magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Guddoomiye Iimaan Caddow uu dhawaan diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenka maamulka DF u magacowday gobolka Gedo ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta masuulkan ka soo qabtay magaalada Garbahaarey markii uu isku dayey inuu gadood sameeyo.

Waxaa fashilmay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Gedo oo isku dayey iney waan waan ku dhameeyaan xiisada ka dhalatay xilka qaadista Gudoomiye Kaarshe.

Mas’uuliyiin horey u diiday isbedalka DF ku sameysay gobolka Gedo ayaa sidan oo kale loo keenay Muqdisho, iyagoo xirxiran, lamana oga sida DF ka yeeleyso Iimaan Caddow Kaarshe.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa marar badan dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay iney faragelin qaawan ku heyso maamulka goboka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor & wafdi la socda oo Baydhabo u tagaya xal ka gaarida khilaafka Roobe & Laftagareen

Caydiid Ali

Dayuuurad shil ku gashay garoonka Aadan cadde & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal Ciidan oo lagu dhaawacay qarax lala eegtay Caawa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---