Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Degmo oo kahor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay oo xabsi la dhigay 

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidanka dowlada federaalka magaaladaasi ku xireen gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Iimaan Cadow Kaarshe.

Sida aan wararka ku helnay gudoomiyaha oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa ka biyo diiday in xilka ku wareejiyo gudoomiyaha cusub ee lagu bedelay, waxa uu sidoo kale Iimaan kahor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.

Gudoomiyihii hore ee Garbaahrey ayaa sidoo kale la shegay in uu abaabulay ciidan ku heyb ah si ay u difaacaan, hasa ahaatee ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in maanta xabsiga dhigeen masuulkan hore.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaal dadaalo lagu doonayo in Gudoomiyihii Garbahaarey Iimaan Cadaw Kaarshe diyaarad looga soo qaado magaaladaasi loona keeno magaalada Muqdisho .

Maamulka Gobolka Gedo waxaa gacanta ku haya maamul ka madax banaan Jubbaland si toos ahna u hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana horey xilalka looga qaaday Gudoomiyaah Jubbaland u magacawday degmooyinka gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Sh/hoose oo eedeyn culus u jeediyey Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Sargaaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir Badda dhaxdeeda ku duubay Muuqaal uu shir uga qeyb galayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---