Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Senataro ka tirsan Aqalka sare oo dacwad ku soo oogaya Wasiir Oomaar & Fahad Yaasiin

Labo Senator oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa ka waramay sida looga reebay maanta diyaarad ku socotay Magaalada Kismaayo oo siday meydka Wasiirkii waxbarashada Jubbaland oo dhowaan ku geeriyooday dalka India.

Saraakiil ka tirsan Nabad sugida Somalia ayaa dayuurada u socotay Kismaayo ka soo dejiyey labo Senator oo kala ah C/llaahi Sheekh Ismaaiil (Fartaag) iyo Iftiin Xasan Baasto maanta.

Senatoradan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyey inay nasiib darro tahay in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku mashquulsan yahay inuu Garoomada ka celiyo xildhibaannada siyaasad ahaan uga horjeeda, iyadoo dalku marayo xaalad adag.

Senator Fartaag ayaa sheegay inaan dalka lagu maamuli karin Nabadsugidda uu ka taliyo Fahad Yaasiin, wuxuuna caddeeyay inaysan ka hari doonin arrintan oo ay maxkamad la tegi doonaan Wasiirka Duulista Maxamed C/llaahi Oomaar iyo agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay falka maanta lagula kacay oo ku eedeeyey iney ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inay arrintan ka hari doonin oo maxkamad la tegi doonaan madaxda ka dambeysay.

Dowlada Somalia gaar ahaan taliska NISA iyo Wasaarada gaadiidka iyo Duulista hawada ayaan illaa hadda war ka soo saarin eedeymaha ay u jeediyeen labada Senator.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Burburka soo gaaray xeradii Inji ee ay ku jireen Masuuliyiintii Ahlu suna

Caydiid Ali

Hoggaamiyaal si weyn loo raadsanayo oo tacsi ugu tagay Sheekh Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar oo kulan yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---