Allbanaadir.com
NEWS

Nin doonayay in uu dilo Sargaal booliis oo shacabka Muqdisho qabteen ! (Daawo Sawirada)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirada nin hubeesan oo shalay isku dayay in uu dilo sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana ninkan  gacanta ku dhigay dad shacab ah.

Ninkan hubeesan ayaa rasaas la dhacay sargaal katirsan ciidanka booliiska oo ku sugnaa laamiga Saybiyaano ee degmada Hodan , waxaana ninkan xili uu doonayay in uu baxsado gacanta ku dhigay shacabkii goobtaasi ku sugnaa una wareejiyay laamaha amaanka.

Sida aan wararka ku helnay sargaalka ciidanka booliiska ayaa dhaawac kasoo gaaray rasaasta uu huwiyay ninkan hubeesan, waxaana sargaalka dhaawaciisa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa noqoneysa midii ugu horeesay ay ku dhiiradaan shacabka Muqdisho oo ku aadan in ay qabtaan nin doonayay in uu dil geesto, halka markii hore kooxaha hubeesan inta dil geestaan si caadi dadka u dhax mari jireen iyaga oon cabsi ka muuqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Xasan kana hor timid wax ka badelka Dastuurka

Cabdi Cade

Hassan Rouhani oo si dadban Mareykanka ugu eedeeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Weerar saaka ka dhacay degaanka Bood ee gobolka G/gaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---