Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamul goboleedka Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xilkii looga qaaday Masuuliyiin katirsan Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.
Masuuliyiinta xilka laga qaaday waxaa ku jira Wasiir ku-xigeenkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda iyo Agaasimihii guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo xubno kale oo Wasaarada Kaluumeysiga katirsan.
Digreetada xilka looga qaaday Masuuliyiintan katirsanaa Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa lagu sheegay in ay soo eedeeyeen guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Halkan ka Akhriso Digreetada Xil kaqaadista
Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.
Madaxweynaha Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Puntland,Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musu-qmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga
Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-
1. Maxamuud Maxamed Cali (gabax) Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda
2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda
4. Maxamed Siciid Cartan (Balcad) Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda
5. Cabdicasiis Axmed Jaamac Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda
6. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe) Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
7. Casayr Yuusuf Maxamuud Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu saxiixo, wuuna saxeexay madaxweynuhu
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com