Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa markii ugu horeesay qiray in uu ka shaqeyn waayay Xildibaano, Wasiiro iyo Siyaasiyiinta danley ah.
Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho sadexdii bil ee ugu horeesay in uu la tacaalayay Xildhibaano, Wasiiro iyo Siyaasiin uu sheegay in xafiiskiisa ay joogto u imaanayeen kana shaqeyn waayay.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaano iyo Wsaiiro saaxiib la ah xafiiskiisa ka dhigeen mid mashquul badan ayna ku adkaatay in uu ugu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed uu madaxda u yahay.
”Sadex bilood ayey nagu qaadatay in aan xal u helo Wasiiro danley ah , Xildhibaano iyo Siyaasiyiin soo buux dhaafinayay xafiiskayga, dadkan aan soo sheegay ayaa uga shaqeyn waayay dadkan Madaxda u ahaa” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Eng Yariisow ayaa hada sheegay in uu xal u helay Xildhibaanada iyo Wasiirada xafiiskiisa mashquuliyay, waxa uuna tilmaamay in uu masuuliyiintaasi hada u sameeyay waqti gaar ah uu qaabilo.
Waxa uu cadeeyay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta xafiiskiisa yimaada inta badan u imaanayeen sidii loogu fulin lahaa dano gaar ah, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay mid xaq daro ah aan la sameyn karin.
Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa inta badan lagu dhax arkaa xarunta dowlada Hoose gaar ahaan xafiiska Gudoomiyaha gobolka , waxa ayna taasi sababtay in dad badan oo balan la lahaa gudoomiyaha in ay arki waayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com