Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaaryahan Caan ah oo qaatay tababar ciidan kuna guuleestay abaal marin !! (Sawirro)

Xiddiga xulka kubada cagta ee Kuuriya Koonfureed iyo kooxda Tottenham Son Heung-min, ayaa soo dhameestay tababar dhanka ciidanka oo ku qaadanayay dalkiisa, waxa uuna ku guuleestay abaal marin uu aad ugu farxay.

Kuuriyada Koonfureed waxaa waajib ah raga inta aysan gaarin da’da 28-sano in ay soo maraan tababar iyo shaqo dhanka ciidanka mudo 21-bilood ah, waxaana xiddiga Tottenham ku qasbaaday in uu tababarka soo maro.

Heung-min Son ayaa laga qafiifiyay mudadad dheer ee dhanka tababarka ciidanka maadama wadankiisa ku hogaamiyay in ay ku guuleestay koobka Aasiya sanadkii 2008-dii, waxaana Xiddigan uu soo qaatay tababar sadex isbuuc ah.

Ciyaaryahankan ayaa intii uu tababarka ku jiray la baray xirfado kala duwan ay kamid yihiin toogashada iyo habka loogu dagaalamo beynada, tababarka kiimikada, bayoolajiga iyo shucaaca, xirfadaha dagaalka shaqsiyeed iyo tababarka gargaarka koowaad.

Saraakiisha tababarka siineysay ciyaaryahankan caanka ah ayaa sheegay in uu kaalinta koobaad ka galay tartan loo qabtay 157-qof oo tababarka qeyb ka ahaa, waxa uuna ku guuleestay abaal marinta Pilsung oo la siiyo dadka aadka u qaatay tababarka.

“Wuxuu helay abaalmarinta ‘Pilsung’ oo ah mid ka mid ah shanta abaalmarin ee ay helaan dadka aadka u qaatay tababarka, dhamaan casharada waxaa lagu xukmiyey hab caddaalad ah oo adag, ” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha tababarka.

Ciyaaryahan Heung-min Son oo hada dhameestay waajibaadkii Qaran ee dhanka tababarka ayaa la filayaa in uu dib ugu laabto kooxdiisa Tottenham oo isku diyaarineysa dib u bilaabashada horyaalka hakadka galay ee Premier Leaguge.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan Sadexda Masuul ee Hogaamin doona Galmudug iyo Madaxda dowlada oo ka shiray (Magacyada)

admin

Booliska Soomaaliya oo xoog ku soo furtay ilmo yar oo afduub loo heystay

Caydiid Ali

Kulan sharafeed loo sameeyay Edna Aadan oo Abaal-marin Caalami ah kusoo guuleesatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---