Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliiska Galmudug oo si adag uga hadlay Warkii uu shaaciyay taliye Burhaan

Taliyaha ciidanka booliiska Galmudug Gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in xubno katirsan Al Shabaab laga sii daayay saldhiga magaalada Dhuusomareeb.

Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa been abuur meelo kale looga soo yeeriyay ku tilmaamay warka uu sheegay taliyihii saldhiga booliiska Magaalada Dhuusomareeb Dhame Burhaan Axmed Rooble .

”Waxaan halkan ka beeninayaa warkii uu ka hadlay taliyihii saldhiga booliiska dhuusomareeb in ay yihiin kuwa aan laheyn sal iyo raad, mana jirto eedeesanayaal ku eedeesan falal argagaxiso oo laga sii daayay saldhiga Dhuusomareeb” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ciidanka booliiska Galmudug ayaa sheegay in laga doonayo Taliye Burhaan in uu keeno waxii uu sheegay cadeyntooda, waxa uuna Gaashaanle Sare C/Kariin ku tilmaamay warka taliyihii Saldhiga booliiska Dhuusomareeb mid raqiis ah aan macno laheyn.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha booliiska Galmudug ayaa kusoo aadaya xili xalay uu is casilay taliyihii booliiska saldhiga magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna taliyahan sheegay in uu isku casilay in si awood ah saldhiga looga saaray xubno lagu tuhmayo Shabaabnimo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuca Naqshadeynta Bulaacadaha iyo Biyo-mareennada Muqdisho oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu dambeeyay kulan maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka oo baaqday

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Isimada iyo Bulshada Rayidka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---