Wasiirka aniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray si dadban uga hadlay iscasilaadii taliyihii ciidanka booliiska saldhiga Dhuusomareeb Dhame Burhaan Axmed Rooble .
Taliyaha is casilay ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay sababaha uu isku casilay in ay kamid aheed xubno Al Shabaabnimo lagu tuhmayay oo laga sii daayay saldhiga booliiska magaalada dhuusomareeb.
Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in aan horey loo arag askari ama sargaal maamulka uu katirsan yahay ku eedeenaya in Al Shabaab yihiin, waxa uuna tilmaamay in Galmudug ay ku jirto Gudcur waagu u bari rabo.
“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, Garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida.” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in gebagebo ku dhow dahay baaqigii ka haray waqtigii fowdada iyo kooxaysiga, waxa uuna ku baaqay in Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor la soo baro shuruucda ciidanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com