Waxaa socday maalmihii lasoo dhaafay baaritaano lagu sameenayay Diyaarad u kireesneyd shirkada Afrikan Airweys balse laga lahaa dalka Kenya oo isbuucii hore lagu soo riday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.
Diyaaradan lasoo riday ayaa gar gaar caafimaad oo u badnaa qalabka kahor taga cudurka Caronavirus u waday magaalada Bardaale, waxaana diyaarada ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo isugu jiray Soomaali iyo Kenyan.
Ciidamada Itoobiya ee jooga garoonka diyaaradaha Bardaale ayaa horey loogu eedeeyay in ay soo rideen diyaarada, waxaana shilkan kadib Bardaale gaar ahaan goobta diyaaradu ku dhacday masuuliyiin katirsan dowlada iyo khubaro baaritaano ku sameenayay.
Warbixin loo diray Taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in diyaarada Afrikan Airweys ay soo rideen ciidamo Itoobiyaab ah oo la sheegay in aysan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM kuwaa oo joogay degmada Bardaale.
Waxaa lagu sheegay Warbixinta in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso taliska ciidamada garoonka joogay iyo in aysan xiriir soo sameyn kahor inta aysan soo aadin Bardaale kan atimid diyaarada jaho qaldan.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay diyaaradda lasoo riday ay soo dhici laheyd xitaa hadii aan la toogan laheyn maadaama lugaha diyaaradda ama shaagga aanu diyaar aheyn xilligii ay diyaaradda caga dhigan laheyd.
Diyaaradan oo laga lahaa dalka Kenya ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo saarnaa oo isugu jiray sadex qof oo Kenyan ah iyo labo qof oo Soomaali ah, waxaana diyaarada heesatay fasax duulimaad ay ku tagi laheyd Bardaale kahor inta aan la qarxin.
Dowlada federaalka Soomaaliya oo guddi baaritaan u saartay shilkan diyaaradeed ayaan wali warbixin rasmi ah kasoo saarin sababta keentay in diyaarada lasoo rido iyo waliba cidii ka dambeesay in lasoo rido.
Soomaaliya waxaa jooga ciidamo badan oo isugu jira Itoobiyaan iyo Kenyan kuwaa oon qeyb ka aheyn howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM, ciidamadan ayaana markii ay doonaan soo gala kana baxa gudaha Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com