Allbanaadir.com
NEWS

Kiisaskii ugu badnaa cudurka Caronavirus oo laga soo sheegay Somaliland

Waxaa sii kordhaya kiisaska cudurka Caronavirus ee laga helayo deegaanada maamulka Somaliland, waxaana Wasaarada caafimaadka maamulkaasi shalay shaacisay kiisaskii ugu badnaa oo hal maalin laga helay deegaanada maamulkaasi.

Wasaarada caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Somaliland ayaa shaacisay in shalay kaliya deegaanada Somaliland laga helay 11-kiis oo cudurka Caronavirus, waxaana dadka qaba cudurkan ku kala nool yihiin sadex gobol oo katirsan  Somaliland.

Sida ay shaacisay Wasaarada caafimaadka maamulka Somaliland hal qof oo cusub ayaa u dhintay cudurka Caronavirus, waxaana cudurkan deegaanada Somaliland uga bogsaday sadex qof, tirada guud dadka laga helay Caronavirus ayaana gaaraya 23-qof.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaana cudurka Caronavirus ugu sii faafaya si tartiib tartiib ah, waxaana Xukuumada Muuse Biixi wadaa dadaalo ay uga hortageyso in ay sii faafo caabuqa Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulankii Baarlamanka Somalia ee maanta oo baaqday & Magacyo la akhriyey

Caydiid Ali

Dhooba Daareed: “Puntland waxay cagta saartay wadadii burburka”

Caydiid Ali

Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo si rasmi ah xilka ula wareegay(Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---