Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir saaxiib dhaw la ahaa Meles Zenawi oo lagu riday xukun adag

Maxkmad ku taalla magaalada Bahirdar ee waqooyiga dalka Itoobiya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday wasiirkii hore ee warfaafinta dalkaas Bereket Simon oo sanadkii hore xabsiga la dhigay.

Bereket Simon, oo saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq iyo isdaba marin, waxaana Maxkamada la saaray ku riday 6-sano oo xabsi ah.

Xukuumada Itoobiya ayaa mudo 17-sano kasoo ahaa Wasiir Bereket Simon, waxa uu sidoo kale kamid ahaa aasaasayaashii Sanduuq maalgalineed oo la magac baxay TIRET waxana uu madax ka ahaa sanduuqaas illaa iyo sanadkii 2017.

Qaar kamid ah taageerayaasha Bereket Simon ayaa xukun lagu riday iyo maxkamadeentiisaba ku tilmaamay mid siyaasadeesan, waxa ayna ku eedeeyeen Xukuumada Abiy in caburin ku heyso siyaasiyiintii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanbaloolshe oo eedeyn yaab leh u jeediyey saaxiibadiis Shiikh Shariif & Xasan Shiikh

Caydiid Ali

Weerar hubeysan oo lagu qaaday Shirkad milatari oo Israa’iil leedahay

Cabdi Cade

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---