Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cudurka dilaaga ah ee caronavirus uu noqday weerarkii ugu xumaa abid ee lagu soo qaado dalka Mareykanka.
Donald Trump ayaa sheegay in cudurkan Caronavirus u galay si ka xun weeraradii Japan uu ku qarxiyay dekadda Pearl xilligii dagaalkii labaad ee adduunka iyo weerarkii Al Qaacida Mareykanka ka geesatay sanadkii 2001-dii.
“Waxaa na soo marnay weerarkii ugu xumaa ee abid soo maro dalkeena, waa mid ka xun weerarkii dekadda Pearl, waa mid ka xun weerarkii daarihii mataanaha ahaa ee xarunta ganacsiga adduunka, waligeen nama soo marin weerar kan oo kale ah, nama ahan in uu mar dambe na soo maro, waxay ahayd in looga hortago halkii uu ka soo billowday ee ahayd Shiinaha balse ma aysan dhicin.”
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in cudurka Caronavirus uu noqday cadwaga Mareykanka halka uu noqon lahaa cadawga Shiinaha, waxa uuna xusay in Mareykanka cudurkan u geestay khasaaro badan oo naf iyo mid dhaqaale isugu jira.
Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeesay marar badan dowlada Shiinaha in si ku tala gal ah u faafisay cudurkan Caronavirus, waxa ayna dowlada Mareykanka sheegtay in ay ka fekerayaan talaabooyin ka dhan ah Xukuumada Bijiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com