Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo war ka soo saartay Sababta ay dileen Cabdiwali Colaad (Gaatamow)

Al-Shabaab ayaa si rasmi ag u sheegatay dilkii xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose loogu geystay Cabdiwali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka tirsanaa bahda cayaaraha Dalka.

Marxuumka ayaa waxaa rasaas ku furay xalay rag bastoolado ku hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla Afgooye oo uu ku soo tukaday salaadii cishaha iyo Taraawiixda sida dad goob joogayaal ah ay ku warameen.

Sidoo kale, Gaatamow Wuxuu soo noqdey Gool-hayihii Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Banaadir Telecom, isagoo hadda ku magacownaa guddoomiyaha Isboortig degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Gaamatow uu ahaa sarkaal ka tirsan dowlada federaalka Somalia sababtaas awgeedna ay u dileen.

“Howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye waxey ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Somalia oo la oran jiray Cabdiwali Colaad Gaatamow oo sidoo kale ahaa gudoomiyihii isboortiga dowlada federaalka ee degmada Afgooye” ayaa lagu yiri qoraal ay Al-shabaab ku baahisay baraha taageera ee internetka.

Hase ahaatee xubno ka tirsan qoyskiisa iyo dadkii kale ee garanayey marxuumka ayaa hadalka al-shabaab ku tilmaamay wax lala yaabo, waxayna sheegeen in  Gaatamow uusan weligiis dowlada Somalia u shaqeynin, waxayna xuseen inuu uu ka tirsanaa ciyaartoyda iyo tababareyaasha u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo ka madax banaan siyaasada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Darawal Bajaajle ahaa oo lagu dilay Muqddisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo aad ula yaabay Waxii uu kusoo arkay Warshada Hawassa (Sawirro)

Cabdi Cade

Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab xilli ciidanka ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---