Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sacuudiga oo xaramka dhigay qalab lagu ogaanayo dadka qaba Coronavirus (Sawirro)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa qaaday talaabo cusub oo looga hortagayo cudurka COVID-19 ka oo dalkaas iyo aduunyada inteeda kaleba ku haya dhibaatada.

Dowlada ayaa Albaabada Xaramka Kacbada ee magaalada Maka Al-Mukarama ku rakibtay mashiin cusub oo ka dilaya fayruska COVID-19 qofka kacbada galaya ama ka soo baxaya, taasoo ay qasab tahay in qof kasta mashiinkaas uu dhex maro

Sidoo kale Mashiinkan ayaa waxaa ku xiran Kamerooyin sheegaya xumada qofka oo ka mid ah calaamadaha ugu waaweyn ee cudurkan, iyadoo illaa hadda aan la sheegin cida soo saartay mishiinkan iyo dhaqaalaha ku baxay.

Arrintan ayaa ka mid ah dadaalada ay waddo wasaarada arimaha xajka iyo cumrada ee dowlada Sucuudiga ee looga hortagayo caabuqa Coronavirus.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga ayaa sheegay in mashiinkan uu hadda ku jiro tijaabo haddii lagu guuleystana uu horseedi doono in dadka cibaadeysanaya loo furo Xaramka.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka carabta ee uu sida xun ugu faafay cudurka Coronavirus, waxaana laga helay dad ku dhow 34 kun oo qof halka 219 qofna ay u geeriyoodeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho natiijada kasoo baxeysa lasii qorsheeyay oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Cabdi Cade

Shirkada Facebook oo gaartay Go’aan adag oo ka dhan ah Donald Trump

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo fasaxay in Dagaalyahano Carbeed ay ku biiraan Ciidankooda jooga Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---