Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal ka tirsan Yurub oo shaaciyey in %90 ay dadkiisu ka bogsadeen COVID-19

Sida lagu sheegay tirakoob ay soo saartay laanta caafimaadka dadweynaha ee dalka Norwey (FHI) ku dhawaad 90% dadkii uu ku dhacay xanuunka Covid-19 Norway gudaheeda, ayaa ka bogsooday xanuunka.

Tiradaas oo ka dhigan in ku dhawaad 7.000 qof oo xanuunka Covid-19 uu ku dhacay, ayna hada yihiin dad aan xanuunka qabin.

FHI ayaa sii raacisay in dadka loo diiwaangaliyay inay xanuunka ka bogsoodeen ay yihiin labo qeybood oo kala ah:

1-Dadka uu xanuunku ku dhacay, isbitaalna aan u galin, kuwaasoo 14 maalmood kadib calaamadihii xanuunka laga waayey

2-Dadka isbitaalka xanuunka u galay, balse ka badbaaday inay u geeriyoodaan, 30 maalmood kadibna aan isku arkin calaamadihii xanuunka.

Dad ku dhow 9000 kun oo qof ayuu haleelay cudurkan dalka Norwey oo dhan, waxaana u dhintay 209 qof sida ay sheegeen heyadaha caafimaadka dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuc faaiido u leh shacabka Berbera oo la bilaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ismail Haniyeh oo Shuruudo adag ku xiray heshiis xabbad-joojin ah ay la galaan Israel

Cabdi Cade

Shirkii Teendhada Afisiyooni oo maanta hal sabab darteed u baaqday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---