Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska G/Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta la wareegay saldhiga loo yaqaano Cusboole oo uu maamulijiray maamulka degmadaasi.
Saldhigan ayaa hadal heyn badan iyo muran dhaliyey ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalo dad la sheegay iney mucaarad ku yihiin DF oo lagu jirdilayo.
Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi.
Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib ula wareegaan saldhiggaasi.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baari doono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen.
“Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa” ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud.
Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com