Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dadka laga helay COVID-19 gudaha Somalia oo 1000 ku dhow & dhimashada oo korortay

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 55 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 928 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka.

Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn,

Qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye ka tirsan Idaacadda VOA oo la dhigay xabsiga Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo sanad ka dib soo bandhigtay Weerarkii Bariire & gaadiid ay ku qabsatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiye Yariisow oo lagu sameeyey labo qaliin & Warar sheegaya in..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---