Allbanaadir.com
NEWS

Hab fududeenaya in gurmad iyo talooyin helaan dadka isku arka astaamaha Covid-19 oo la daah furay

Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Application-ka Badbaado449 (Boda Community) oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay taleefannadooda ku degsadaan kadibna ay ku raadsadaan talooyinka iyo gurmadka caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Agaasimaha siyaasadda iyo sharciyada ee wasaaradda amniga, Cabdullaahi Faarax, ayaa sheegay in Habkaan (Application-ka) cusubi uu qeyb wayn ka qaadanayo isku xirka bulshada iyo xarumaha caafimaad ee ku howlan la tacaalidda COVID-19.

Dr. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl gala xarunta isku xirka COVID-19 ee 449 ayaa sidoo kale sheegay in habka Badbaado449 uu bulshada u fududeynayo inay taleefannadooda ay si degdeg ah ugu helaan farriimaha caafimaad ee ay u baahanyihiin .

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in sida ugu habboon ay u xakameyso cudurkaan halista badan ee COVID-19, si looga nabad galo saameynta uu ku yeelanayo nolosha bulsahda.

Related posts

Galmudug oo ka hadashay Wararka sheegaya in Dhuusomareeb laga saarayo Ciidamada Haramcad

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga oo dib ula wareegay deegaanno Al Shabaab qabsadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400 maxbuus oo dambiyo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---