Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xanibaadii lagu soo rogay xaafada Islii oo saameyn adag ku yeelatay Soomaalida (Sawirro)

Xaafadda Islii ee magaalada Naiorbi waxaa maanta ka dhaqan galay xayiraad ay Dowladda Kenya shalay ku soo rogtay ganacsigii iyo isu socodkii xaafadda.

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay dadkii kala duwanaa ee u soo dukaamaysi tagay jiray suuqa weyn ee Islii, ayadoo la arkayay jidgooyooyin ay Ciidamada amaanka ku gooyeen wadooyinka laga soo galo Xaafadda Islii.

Waxaa sidoo kale la xiray dukaamadidii kala duwanaa ee suuqa Islii ayadoo dhaq dhaqaaqa dadka ee xaafadda Islii dhexdeedana uu aad u kooban yahay.

Go’aanka Xayiraadda ay Dowladda Kenya kusoo rogtay Xaafadda Islii ayaa waxaa si adag uga hadlay dadweynaha ku nool Xaafadda Islii kuwaasoo Dowladda Kenya ugu baaqay inay dib u eegto go’aanka xariyaaradda maadaama dhaqdhaqaaqa Suuqa Islii ay nolashoodu ku tiirsan tahay dad badan oo dan yar ah.

Sidoo kale, ganacsatada Suuqa islii ayaa sheegay in go’aankan uu saameyn adag ku yeeshay maadaama lagu jiro bisha Ramadaan, uuna caqabad ku noqday ganacsigooda iyadoo ay soo dhow dagay ciidul fitriga oo dadweynuhu ay si weyn u dukaameystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka Dhulka oo abaabul Dagaal ka bilaabay deegaan katirsan Sh/Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade

Ma mooddaa in Maamulka Puntland uu ku socdo wadadii Soomaaliland ?

Cabdi Cade

Xukuumadda Ruto oo soo bandhigtay miisaaniyad muran badan dhalisay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---