Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wadahadal dhinaca telfoonka ah kula yeeshay dhigiisa dalka ciraaq Barham Saalix, waxa ayna kawada hadleyn xoojinta xiriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Caronavirus.
Qoraal Twitterka ku leeyahay Madaxweyn Farmaajo lasoo dhigay ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne kawada hadleyn arimo dhoor ah ay kamid ahaayeen iskaashiga labada dal iyo in ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah.
”Waxaan khadka telefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha dalka Ciraaq walalakay Barham Saalix. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka aan kula jirno ka hortagga COVID19 iyo in 2da dal ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah: Barham Saalix” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweyne Farmaajo
Dad badan oo Soomaali ah oo ku xiran barta Twitterka Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay wadahadalkan, waxa ayna dad badan isweediiyeen waxa xiligan Soomaaliya ay ka faa’idi karto Dowlada Ciraaq.
Waxaa qaar kamid ah dadkii aragtida ka dhiibtay wadahadalka Farmaajo iyo Saalix sheegeen in aysan jirin xiligan wax Soomaaliya uga baahan tahay Ciraaq oo ku jirta xaalad ka adag tan Soomaaliya sida colaad, qaxooti iyo dhibaatooyin kale.
Qof kamid ah dadka aragtiyada ka dhiibtay wadahadalkan ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uusan moogaan Madaxweynaha Siiriya Bishaar Al Asad uu ula jeeday in isna wadahadal la yeesho.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan war rasmi ah kasoo saarin wadahadalkan Madaxweyne Farmaajo la yeeshay dhigiisa dalka Ciraaq marka laga reebo qoraalka lasoo dhigay barta Twitterka Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com