Allbanaadir.com
NEWS

Shir Muuqaal ah oo lahaayeen Xildhibaano oo la jabsaday laguna baahiyay Anshax xumo !!

Baarlamaanada caalamka ayaa fadhiyadooda inta badan xirmeen, waxaana kulamada muhiimka ah ee yeeshaan Guddiyada Baarlamaanada ku yeeshaan hab muuqaal ah si ay howlaha Baarlamaanka halkaasi uga sii socdaan.

Shir Muuqaal ah oo saakay lahaayeen guddi ka tirsan baaralamaanka Koonfur Afrika ayaa la jabsaday , waxaana kooxdii jabsaday Muuqaalka shirkaasi aflagaado u geesteen Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.

Sida ay ku warameen Warbaahinta dalka koonfur Afrika shirka markii uu bilowday ayaa muuqaalka Barta Zoom-ka ee shirka ku lahaayeen Xildhibaanadan waxaa kasoo muuqday sawir anshax xumo ah iyo cod nin oo lagu aflagaadeenayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Farsamayaqaanada Baarlamaanka ayaa dadaal badan ay sameeyeen kadib ku guuleestay in ay sameeyaan muuqaal kale oo xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Koonfur Afrika shirkooda kusii wataan.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Koonfur Afrika waxay sheegtay in ay horey uga walaacsandeyd in barta Zoom-ka ay shir ku yeeshaan, waxa ayna xustay in walaaceeda uu hada banaanka usoo baxay lana wada arkay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo xilalkii ka qaaday taliyeyaashii ciidamada PMPF

Caydiid Ali

Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Ciidamada Israel oo la wareegay Isgoyska goobaabinta al-Cawda ee magaalada Rafah

Cabdi Cade