Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi ku geeriyooday Wasiirkii dhahqan Celinta maleshiyadka Hirshabele Sheeq Axmed cumar Libi.
Sida aan wararka ku helnay wasiirkan geeriyooday oo sidoo kale ahaa xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle ayaa xanuunsanaa labadii maalin ee lasoo dhaafay, lamana shaacin wali xanuunka uu u geeriyooday.
Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan maamulka Hirshabelle ayaa tacsi u tagay guriga uu magaalada Jowhar ka deganaa Wasiirkan geeriyooday, mana jiro ilaa hada wax war ah oo maamulka Waare kasoo saaray geerida Wasiirkan.
Waxa uu noqonaya Wasiirkii labaad oo katirsan maamulka Hirshablle oo mudo bil kayar geeriyooda, waxaa sidoo kale geerida wasiirkan kusoo aadayaa xili xalay isna geeriyooday Wasiirkii Wasbarashada maamulka Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com