Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiisha ciidanka Itoobiya oo ka hadlay dayuuradii ku dhacday Berdaale

Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ciidan ku leh nawaaxiga garoonka dayuuradaha magaalada Bardaale ayaa beeniyey iney soo rideen dayuurad siday gargaar caafimaad oo halkaas ku degi rabtay.

G/lle sare Mohamed Tessema oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobiya ayaa si cad u sheegay inuusan war u hayn oo uusan maqlin xog ku saabsan in diyaarada xamuula ay soo rideen ciidamadooda jooga Berdaale

Tessema oo si kooban uga hadlay arrintan ayaa sheegay iney baaritaanka shilkan gacan ka siinayaan dowlada Somalia, ayna diyaar u yihiin iney masuuliyada shilkaas qaataan haddii ay ciidankooda ku cadaato.

Ugu yaraan lix qof oo saarnaa dayuurada oo labo kamid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay shilkaas.

Wasiirro ka tirsan dawlaladda fdederaalka iyo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay weheliyaan safiirrada Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay booqday goobta ay ku dhacday diyaaraddii shirkadda African Express.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Arimaha Doorashada Baaqna dirtay

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo xiray nin caan ka ah Baraha bulshada oo anshax xumo ku eedeysan

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Safiiradii Somalia u fadhiyay caalamka oo la isku bedelay (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---