Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo laga helay xaalado cusub oo COVID-19 ah iyo dad ka bogsaday

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho deg deg ah ku tegaya Magaalada Addis ababa

Caydiid Ali

Dibad bax ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo kala eryay dadkii dhigayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni iyo Ben Fender oo kulan gaar ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---