Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Diyaaradii ku bur burtay magaalada Bardaale

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay diyaaradii labo maalin kahor ku bur burtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana shilkaasi ku dhintay lix qof oo diyaraadaasi saarnaa.

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha isku xirka bani’aannimada ee Soomaaliya, Adam Cabdelmowla ayaa sheegay in uu aad uga naxay diyaarada gar gaarka waday ee  Bardaale .

Adam ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed, waxa uuna tilmmamay inay naf hurid sameeyeen, iyagoo ku guda jirey howl muhim ah oo ah inay dadka kale caawiyaan.

Waxa uu balan qaaday in Qaramada Midoobay gacan ka geesan doonto baaritaanka waxii sababay shilkaasi diyaaradeed, waxa uuna balan qaaday in ay ka caawinayaan dowlada Federaalka iyo maamulka koonfur Galbeed helida sababaha bur burka diyaarada.

Diyaarada ku dhacday Bardaale ayaa laga lahaa dalka Kenya waxa ayna u kireesneyd shirkada Afrikan Airweys, waxaana diyaaradan la tuhmayaa in ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee jooga Bardaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo baajiyay Banaan bax lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho

Cabdi Cade

Itoobiya oo looga dhawaaqay 3 maalin oo Baroordiiq ah

Cabdi Cade

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish oo wacdaro ka dhigay Degmada Dayniile !!

admin
Taboola Ads ---