Allbanaadir.com
NEWS

Khabiir ku mashquulsanaa helida daawada cudurka Caronavirus oo la toogtay

Khabiir caan ah kuna mashquulsanaa helida daawada cudurka Caronavirus ayaa la toogtay , waxaana warkan uu noqday mid dad badan ka nixiyay si weyna u hadal hayaan Warbaahinta dalka Mareykanka.

Bing Liu, oo ahaa khabiir ku xeel dheer dhanka baaritaannada daawooyinka kana tirsanaa  Jaamacadda Pittsburgh ee dalka Mareykanka ayaa lagu dhax toogtay guriga uu degnaa oo kuyaala deegaanka Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh.

Saraakiisha booliiska Mareykanka ayaa sheegay in khabiirkan lagu dhax dilay gurigiisa, waxa ayna sheegeen in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo cida dilkiisa ka dambeesay iyo sababta loo dilay.

Jaamacada uu katirsanaa khabiirkan la dilay ee Pittsburgh ayaa sheegay in Bing Liu uu ahaa khabiir wax badan kusoo kordhiyay cilmiga seyniska, waxa ayna Jaamacada sheegtay in khabiirkan ku dhawaa in uu helo daawada cudurka Caronavirus.

“Wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay dr Bing Liu.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay.

Dilka loo geestay Khabiirkan ayaa kusoo aadaya xili Dhaqaatiir, Culumo iyo shirkado waa weyn dadaal badan ugu jiraan sidii loo heli lahaa daawada cudurka Caronavirus oo dad badan ku laayay dunida kuwa kalana hada la il daran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DAAWO TOOS: Munaasabadda calan-saarka 26-ka Juun oo ka socota caawa Muqdisho

Caydiid Ali

Xiisadii ka dhalatay qiimaha shidaalka Caalamka oo lasoo afjaray kadib hanjabaadii Trump

Cabdi Cade

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo jirdil culus loogu geystay Magaalada Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---