Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska AMISOM oo War ka soo saaray dayuuradii ku burburtay degmada Berdaale

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, waxay tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay Berdaale ee gobolka Bay.

“Dayuuradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof waxayna ku sii jeedeen Bardaale, koonfurta Soomaaliya iyo 300km waqooyi-galbeed caasimada Muqdisho markii ay burburtay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM.

Taliska AMISOM ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo baaritaanka dowlada Somalia ku sameyneyso dhacdadan.

“Howlgalka ayaa soo dhoweynaya go’aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka. Madaxa howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay in lagu caddeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaas”. ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Kenya iyo Itoobiya ayaa ah Wadamada Ciidamada ugu deeqaya Ciidamada kuwaasoo loo diro Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. AMISOM waxay sanado badan taageereysay dowlada soomaaliya dadaalkeeda ku aadan soo afjarida dagaalka, nabada iyo horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaam Masjid oo la socday Madaxweynaha Iran oo saacad noolaa kaddib shilkii ay galeen

Cabdi Cade

Cabdullahi Maxamed Shirwac oo Muqdisho ku geeriyooday iyo R/W Rooble oo ka hadlay

Cabdi Cade

Golaha Wasiiradda oo xil ka qaadis iyo Magacaabis cusub maanta sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---