Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Waardiye sabab yaab leh loogu dilay dukaan ku yaalla Maraykanka

Haweeney, seygeeda iyo wiil ay dhashay ayaa dacwad lagu soo ogay kaddib markii ay dileen waardiye gabadhooda u diiday inay gasho dukaan ku yaalla dalka Mareykanka maadama aysan afka iyo sanka xiran.

Waardiyaha oo la oran jiran jiray Calvin Munerlyn waxaa Jimcihii laga toogtay dhabarka xilli uu ku sugnaa dukaan ku yaalla gobolka Michigan, waana goobta uu sida ba’an u saameeyay safmarka Covid-19.

Waxaa la weeraray kaddib markii gabar ay dhashay haweeney la yiraahdo Sharmel Teague oo 45 jir ah ay tegtay dukaanka iyadoo aysan xiran afka iyo sanka sida dowladda ay amartay shacabka si looga hortaggo cudurka Covid-19.

Haweeneyda seygeeda Larry Teague, oo 44 jir ah iyo wiilkeeda Ramonyea Bishop oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen waardiyaha.

Sharmel Teague ayaa xabsiga loo taxaabay halka labo qof oo laga shakisan weli aanan la xirin, waxaana saddexda qof lagu eedeeyay inay ku kaceen falal dil ah iyo inay adeegsadeen hub.

Larry Teague waxaa loo heystaa inay jebisay amarka kasoo baxay xafiiska barasaabka gobolka ee ah in dadka marka ay dukaameysanayaan ay afka iyo sanka dabooshaan si looga hortaggo fiditaanka cudurka, halka gabadheeda aanan lagu soo ogin wax dacwad ah.

Calvin Munerlyn
Ninka dilka loo heysto iyo qoyskiisa
DUKAANKA UU DILKU KA DHACAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xiliga uu furmayo Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Qoys ka kooban shan ruux oo lagu laayey degaan hoos taga gobolka Mudug

Caydiid Ali

Nin Xaaskiisa si Farsameesan uga baxsaday mid kamid ah Kilyaheeda !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---