Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadka qaba COVID-19 ee gudaha Soomaaliya oo 800 kor u dhaaftay

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gobalka BanaadirJubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, laga diiwaan geliayay xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8).

14 qofood ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo walaac ka muujisay rabshadaha & boobka ka socda dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali

Farmaajo oo Magacaabay taliyaha cusub ee NISA iyo Fahad Yasin oo xil cusub loo dhiibay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy oo Shaaciyay Go’aankiisa ku aadan Wadahadalka Jabhada OLA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---