Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khadka Telfoonka kula kula xiriiray Dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta , waxa uuna kala hadlay diyaaradii ka diiwaan gashaneed Kenya ee shalay lagu soo riday degmada Bardaale.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa qortay in Madaxweyne Farmaajo Telfoon usoo diray Madaxweynaha Kenya si uu ugu muujiyo in uu ka xunyahay diyaaradii shalay ku dhacday degmada Bardaale ayna ku dhinteen dad ay ku jiraan muwaadinin Kenyan ah.
“Madaxweyne Uhuru wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Kenya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in wada hadleen Madaxweynayasaha Soomaaliya iyo Kenya, mana jiro ilaa hada wax war ah oo Villa Soomaaliya kasoo saartay wadahadalka Telfoonka ku dhax maray Farmaajo iyo Uhuru.
Diyaarad laga leeyahay Kenya oo u kireesneyd shirkada Afrikan Airweys ayaa shalay ku bur burtay garoonka diyaaradaha Bardaale, waxaana diyaaradan loo badinayaa in ay soo rideen ciidamada Itoobiya , waxaana dhintay dhamaan dadkii diyaaradaasi la socday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com