Allbanaadir.com
NEWS

Hadal kasoo yeeray Mike Pompeo oo lagu tilmaamay Waali Cad

Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa si weyn uga hadashay war kasoo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo , oo sheegay in cudurka Caronavirus uu kasoo unkumay sheybaar kuyaala magaalada Wuhan.

Mike Pompeo ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay heyso cadeymo muujinaya in cudurkan dadka badan ku laayay gudaha Mareykanka iyo caalamka uu kasoo unkumay sheybaarka kuyaala magaalada Wuhan oo ah halkii uu kasoo bilowday cudurkan.

Warbaahinta CCTV ee dalka Shiinaha ayaa warka kasoo yeeray Xoghaya arimaha dibadda Mareykanka ku tilmaantay waali cad, waxa ay sidoo kale CCTV sheegtay in warkan uu yahay mid la iska yiri oo been ah.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Warbixinta laga baahiyay CCTV in warkan kasoo yeeray dowlada Mareykanka uu yahay mid eedeyn lagu deg degay xili dowlada ku guul dareesatay xakameynta cudurkan Caronavirus.

Dowlada Mareykanka ayaa marar badan sheegtay in cudurka Caronavirus kasoo unkumay sheybaar kuyaala magaalada Wuhan, Dowlada Mareykanka ayaana wali soo bandhigin cadeymo rasmi ah oo muujinaya eedeynta ay u jeedinayaan Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble oo la kulmay Guddiga Qiimeynta xaaladda Degaan doorashada Garbaharey

Caydiid Ali

Dowlada oo diyaarisay qorshayaal lagu fashilinayo Banaan baxa ay iclaamiyeen Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---