Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weriye caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Weriye ka tirsanaa warbaahinta maxaliga ah ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Dilka weriye Saciid Yuusuf Cali ayaa la sheegay inuu geystay Nin Mindi ku hubeysnaa, mana cadda sababta waxaana jira warar kale oo sheegaya inuu kala celinayey dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray labo nin oo midkood toorey ku hubeysnaa sidaasna uu ku soo gaaray dhaawaca uu u geeriyooday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ninkii tooreyda ku hubeysnaa ee dilay Allaha u naxariistee weriyaha oo meydkiisa uu yaalo Isbitaalka Madiina oo markii hore dhaawac ahaan loo geeyey.

Weriye Siciid Yuusuf ayaa la shaqeyn jiray Telefishanka Kalsan TV, isagoo ka mid ahaa saxafiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasime Dhuxulow oo hal arrin ka codsaday Safiirka USA

Caydiid Ali

War deg deg ah: Weriye ka howlgala Muqdisho oo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Aqalka sare oo booqday dekeda Kismaayo & degaanka Goobweyn (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---