Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shir gudoominaya Shir maanta ka furmaya Brussels

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee caasimada dalka Biljamka uu ka furmayo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Shirkan oo looga hadlayo ammaanka Soomaaliya waxaa shir gudoominaya Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya Wakiilo matalaya qaar kamid ah Wadamada Yurub iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo ciidanka Xooga Soomaaliya oo loo diyaarinayo sidii ay amaanka dalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

Shirkan maanta ka furmaya dalka Biljamka ayaa daba socdo shirar horey uga dhacay magaalooyinka London iyo Muqdisho , dowlada Soomaaliya ayaana dooneysa in ciidankeeda AMISOM kala wareegaan amaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guurre: “FSAN waxay mareysaa iney casuunto Boqoradda dalkan Holland” [WAREYSI]

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: In ka badan 120 qof oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Fagaare Olole Doorasho ay ka socotay

Cabdi Cade

Ukraine oo weerarkii ugu cuslaa oo diyaaradeed ku qaaday Ruushka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---