Waxaa maalmo kadib la filayaa in iskuulada magaalada Muqdisho ka bilowdaan imtixaanaadka shahaadiga iyo kuwa caadiga ah, waxaana ardayda isugu jiraan kuwa Dugsiga sare dhameenaya iyo kuwa fasalo kale u gudbaya.
Waalidiinta ardaydooda dhigtaan Iskuulada ayaa si weyn uga cabanaya lacago badan oo laga rabo caruurtooda, waxaana lacagaha ku jira oo qasab ku ah in waalidiinta bixiyaan bilaha fasaxa oo ka badan labo bilood.
Iskuulada ayaa ardayda dhigata ku amray in hal mar wada bixiyaan lacagtda sadexda bilood ee kala bishan  May , iyo bilaha June iyo July oo iskuuladu fasaxa yihiin, waxaa sidoo kale ardayda lagu qasbay in ay dhiibaan lacagta xaflada oo ah 20-Dollar .
Hooyo Soomaaliyeed oo markii hore si dhib ah ku bixin jirtay lacag 30=dollar ah oo labo caruur ah iskuulka ugu dhigtaan ayaa hada sheegtay in laga rabo lacag dhan 130-Dollar hadii aysan dhiibina caruurteeda loo diidayo in ay galaan imtixaanka.
Waalidiintan ayaa ka codsaday in dowlada wax ka qabato lacagahan sida xooga ah looga qaadayo ardaydooda hadii ay diidaan loo diidayo in ay galaan imtixaanka, waxaana ardayda ugu daran kuwa dugsiga sare ka baxaya oo lacago badan laga rabo.
Iskuulada ayaa lacagahan baada u eg fursad badan ugu heesta in ay ka qaadaan waalidiinta, waxaana ardaygii aan dhiibin lacagta laga rabo loo diidayaa in la siiyo karaka imtixaanka uu ku galayo taas oo mustaqbalkiisa mugdi galineysa hadii aan lacagta laga bixin.
Sanadihii hore Iskuulada kuyaala magaalada Muqdisho ayaan ardayda laga qaadi jirin bilaha uu iskuulka fasaxa yahay, hasa ahaatee waxaa hada Iskuulada soo rogeen in ardayda lacago ka qaadaan labada bil ama sadexda bil uu iskuulku fasaxa yahay iyo lacagta xaflada sanadlaha ah lagu dhigayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com